Baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa maanta lala eegtey gaadiidka xubnaha baarlamaanka kuwaasoo la dhigey barxadda masjidka isbaheysiga islaamka.
Gaarigan oo la soo dhigey baabuurta xildhibaanada dhexdooda ayaa mar qura qarxey kaas oo laga hagayey meel fog waxaana khasaare soo gaarey gaadiid gaaraya ilaa iyo 9 baabuurta yar yar ah,sidoo kale waxaa ku dhintey hal askeri iyo labo caruur baaleshlayaal ah ama caseeyayaal ah,sida uu noo xaqiijiyey taliye kuxigenka nabadsugida gobolka banaadir ninka lagu magacaabo CAWLE..
Qaraxan ayaa wuxuu ka jawaabayaa hadal uu ayman azawahiri kaas oo dhahayey waa in alshabaab ay badiyaan weerarada iyo qaraxyada taas oo laga dareemey muqdisho iyo gudaha somaaliya,mana aha markii ugu horeysey ee qaraxyo sidan oo kale ah ay dhacaan balse marxaladaha ay kusoo kala beegmayaan ayaa isbedelaya,waxeyna noqon kartaa in hadalka ayman azawahiri uu uga gol lahaa in uu ku beego doorashada mareykanka iyo dareenka shucuubta caalamka in uu wax la wadaago.




