Xukuumada tirada yar ee dhawaan uu ku dhawaaqey ra’iisalwasaare saacid ayaa waxaa la hor keeni doonaa tobanka bishan novenber sida uu maanta sheegey gudoomiyaha baarlamaanka federalka soomaaliya prof. Maxamed sh cismaan jawaari.
Xukuumada dr cabdi faarax ayaa welwel ku jirta sida ay baarlamaanku u ansixin doonaan maadaama beelo badan oo baarlamaanka xubno ku lihi aysan ka muuqan xukuumada,waxaana bilawdey in wasiiradii la magacaabey ay shirar ay la yeelanayaan xildhibaanada si ay ula hadlaan una ansixiyaan waxaana dhici karta in ay xukuumadu hesho kalsoonida baarlamaanka weyna waayi kartaa,hadii ay kalsonida weyso xukuumadan ka kooban 10ka wasiir waxey dhabar jab ku tahey m/weyne xasan sheekh gurguurte oo fekrada dhaley.
Hadalkan uu gudoomiyaha baarlamaanka ka horjeediyey xubnaha baarlamaanka ayaa u muuqda in isaga laftiisu yahey qeyb kamid ah u ololeynta meelmarinta xukuumada Dr SAACID SHIRDOON,waana talaabo hadii si sahlan loogu guuleysto horseedi karta aragti cusub oo aan waligeed soomarin siyaasadda soomaaliya muujineysa hab awood qeybsi siman oo beeluhu kala hooseyn in ay ku fadhido laguna qanci karo dhamaan.




