Xisbiga Midnimadda Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Soo Dhaweeyay Golaha Waziirada Tirada Yar.

0
496

Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya Oo Maanta Warbaahinta La Hadlay Ayaa Sheegay In Xisbigoodii Ay Soo Dhaweenayaa Magacaabista Oo Uu Magacaabay Ra’iisul Wazaare Saacid Golohiisa Waziirada.

Sidoo Kale Cali Tima Jilic Ayaa Xusay In Ay Tahay Wax Lagu Farxo Tirada Waziirada Oo Laga Dhigay Ilaa Iyo 10 Waziir Kuwaa Uu Ku Sheegay In Ay U Muuqdaan Kuwa Wax U Qaban Doonaan Dalka Iyo Dadka Soomaaliyeed Isagoona Carabka Ku Dhuftay In Ay Tiro Badan Waxba Soo Kordhineenin Horeyna Loo Arkay Waziiradii Tirada Badnaa In Aysan Waxba Ka Qabanin Xaaladaha Cakiran Ee Ka Taagan Dalka Soomaaliya.

Ugu Dambeyn Ayaa Mr.Timaj Jilic Waxa Uu Ra’iisul Wazaaraha Soomaaliya Ugu Baaqay In Uu Hoosha Hagaagsan Ee Loo Idmaday Uu Wax Weyn Ka Qabto Islamarkaana Uu Dalka Soomaaliya Iyo Waliba Shacabka Uu Wakiilka Ka Yahay Ay Ka Dhowr Sugayaan Wax Qabadkiisii Hagaagsan Loogana Baahanyahay In Uu Umada U Hamuunka Qabto Nabada Niyadooda Uu Ku Beero Wax Ay Ku Qanci Karaan.

Baaqaani Ka Soo Yeeray Madaxweyne Ku Xigeenka X.M.J.S Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Ayaa Waxa Uu Imaanayaa Xilla Dhawaan Xukuumad Ka Kooban 10 Waziirood Uu Soo Magacaabay Ra’iisul Wazaare Saacid Islamarkaana Ay Maanta Mudanayaasha Baarlamaanka Ku Ansixiyeen Gudaha Magaalada Muqdisho.