Areey qoryaha hala ururiyee Qol ma loo hayaa????

0
575

Iyadoo hore ay ugu fashilantey dawladii kmg aheyd ee uu hugaaminayey m/weynihii hore shiikh shariif sh/axmed in la ururiyo qoryaha magaalada lagu dhexwato magaalada muqdisho,waxaana mar kasta leysku dayi jirey dhaqan gelinta hub la’aanta magaalada iyagoo mar kasta shaacin jirey inta aan hawlgalka la bilaabin digniino iyo wargelino ka horeeya fulinta hawsha si loo yareeyo is rasaaseyn dhexmarta ciidamada hawlgalada iyo kuwa lala dirirayo ee magaalada ku dhexqaata hubka.

Isku soo wada duuboo waxaa hadda bilawdey qorshaha qori la dagaalanka magaalada muqdisho waxaana mar qura magaalada muqdisho digniin la’aan laga wada dareemey hawlgalka hub ururinta muqdisho iyadoo uu soo baxey tixdan shirib ee ah areey qoryaha hala ururiyee Qol maloo hayaa?taas oo muujineysa in ay aad iyo aad u badanyihiin qoryaha dalka yaal isla markaana hindisaha murtidu cadeynayo in aan loo heli karin meel qaada qoryaha dalkeena soomaaliya yaalla.