Wasiirada dawlada federalka ee xukuumada ra’iisalwasaare saacid oo lagu dhawaaqey.

0
470

Waxaa ugu danbeyntii muddo ka dib lagu dhawaaqey wasiiro ka kooban 10 wasiir kuwaas oo ah 2 dumar ah iyo 8 rag ah,iyadoo ay u badanyihiin qurbajoog debedaha ka timid balse laga yaabo in ay ku jiraan hal ama labo gudaha dalka laga yaqaan,wasiiradan ayaa magacyadoodu kala yihiin:.
1 fawsiyo yuusuf xaaji aadan/ ra’iisalwasaare ku xigen ahn wasiirka arrimaha dibedda.
2 cabdullaahi ebyan nuur/wasirka w/arrimaha diinta iyo awqaafta.
3 c/xakiin xaaji maxamuud fiqi/wasarada gashandhiga.
4 c/kariim xusen guuled/wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.
5 maxamed xasan suleymaan/wasirka maaliyada iyo qorsheynta qaranka.
6 cabdullaahi ciilmooge xirsi/wasirka warfaafinta iyo isgaarsiinta.
7 c/risaaq cumar maxamed/wasirka kheyradka dalka.
8 muxiyadiin maxamed ciilmoge/wasirka h/guud iyo dib u dhiska.
9 maryan qaasim /wasirka horumarinta adeega bulshada.
10 axmed maxamed xasan/wasirka ganacsiga iyo warshadaha.

Wasiiradan ayaan la ogeyn in xubnaha golaha baarlamaanku in ay ogolaandoonaan iyo in kale xubnaha ayaa waxey u badanyihiin kuwo wata labo dhalasho dad badan ayaana dhaliilsan sida loogu aamini karo hawlaha qaranka qof dhalasho wadan kale wata.