Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa amisom iyo xarakada alshabaab ayaa u muuqda mid sii daba dheeraanaya kaas oo hada galey waji cusub laguna micneyn karo mid ma dhamaato ah,sababtuna waa dagaalada ku dhufoo ka dhaqaaq ah ayaad moodaa in ay alshabaab lasoo baxeen.
Xarakada alshabaab ayaa cadeeyey in ay diyaar u yihiin in ay huwanta ula dagaalamaan sidan ku dhufoo ka dhaqaaqda ah mudo toban sano oo hada kadib soo socota,ayna jebayaan dalkana ay iyagu u hari doonaan,kadib mar uu saxaafada la hadlayey afhayeenka dhanka hawlgalada shiikh abu muscab oo ka warbixinayey dagaallo ka dhacey dhawaan degaanka yaaqbariweyne iyo leego,isagoo isla markaana sheegey in ay guuleysteen in ay laayeen askar badan oo ka mid yahey taliyihii guutada 5’aad maxamed ibraahin faarax gordan.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo beryahan ay soo cusbooneysiiyeen weerarada gaadmada ah iyo kuwa lagu qaado saldhigyada iyo meelaha ay degenyihiin ciidamada dawlada iyo kuwa huwanta Amisom la baxey,waxaana maalin kasta dhaca weeraro aan celcelis ahaan ka yareyn ilaa 15goor 24kii saacadood halka ay amisom iyo ciidamada dawladu ay sheegayaan in alshabaab laga awood roonaadey dagaalkuna uu soo afjarmayo.




