Qarax Lala Gol-laa In Lagu Qaarijiyo Axmed Madowe Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

0
482

Axmed Max’ed Islaam Madoobe Guddoomiyaha Raaskambooni Ayaa Qarax la damacsanaa in lagu Qaarijiyo ka bad-baaday xili uu marayay bartamaha Magaalada Kismaayo.

M.r Madoobe ayaa lagu weeraray Qarax Miino Nooco Dhulka Lagu Aaso gaari uu la socday oo marayay bartamaha Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose iyadoona qaraxaasi kadib ay ilaaladiisa fureen Rasaas Xoogan.

Magaalada Kismaayo Qaraxaani ka dhacay ayaa ahaa mid lagu damacsanaa in lagu lagu dilo Axmed Madoobe hase Yeeshee Uu ka bad-baaday weerarkaasi qaraxa miino dhulka lagu aasay

Qaraxa Ayaa Sida La Sheegay Waxaa qasaaro Ka Soo Gaartay ilaalada qaar oo saarna gaadiidkaasi Oo Uu Saarnaa Axmed Max’ed Islaam Axmed Madowe Oo Ah Gudoomiyaha Guud Ee Ururka Raaskambooniyiinka Ka Dagaalanta G/Jubbooyinka.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Haatan ka socda howlgalo Raaf ah dadka rayidka ah Kaasi Oo Ay Ciidmada Ugu Andacoonayaan In Ay Baadi Goobayaan Kooxihii Ka Dambeeyey Qaraxaasi Ka Badbaaday Mr Madowe.

Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Ee Ka Daagalanta Soomaaliya ayaa kordhiyey weerarada, dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah Ciidmadad DF iyo mas’uuliyiinta dowladda.