Waxaa maanta si wanaagsan looga ciidey soomaaliya iyo dhamaan deegaanada soomaalidu degto,iyadoo ay dadku hambalyo isu gudbinayeen isla markaana xoola qalidu ay maanta aad u badneyd.
Dadku wey labisteen caruuruhuna wey farxayeen intooda waalidiintoodu awoodo in ay ka farxiyaan caruurtooda walaw ay jireen kuwo aan warba u heyn ciidda ciidul adxa iyaga iyo waalidiinta dhashey,inkastoo xeryaha qaxootiga ay hey’adaha qaarkood gaarsiiyeen xoolo qalan iyo kuwo aan qaleyn oo loogu talo galey dadka dhibaateysan in ay farxada la qeyb sadaan umadaha muslimiinta ah ee caalamka ku kala nool.
Ciidda ciidul adxa ayaa ah ciid weyn ay muslimiintu sanad kasta soo marta hal mar,waxeyna ciidani kusoo beegmeysaa iyadoo jawigu hagaagsanyahey,taas oo soomaaliyana ay gashey waji isbedel iyo madax cusub oo aan wali gaarin in wax laga sheego amaan iyo dhaliilba.




