Magaalada laascaanood oo ay sheegtaan labada maamul goboleed ee s/land iyo puntland ayaa waxaa ka dhacey qarax miinada dhulka la geliyo ah iyadoo la furfurayo lana rabo in la fashiliyo ayuu qarxey halka mid kale la sheegey in lagu guuleystey in laga hor tago.
Gudoomiyaha dhinaca s/land ee deg.laascaanood ayaa sheegey in qaraxyada ay ka danbeeyaan xarakada alshabaab,lamana xaqiijin karo sheegashadaas,mana aha markii ugu horeysey ee magaalada laascaanood uu qarax ka dhaco ama lagu dilo shaqsiyaad xil haya iyo kuwo aan heynba.
Qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya xili gudoomiyihii ssc ninka lagu magacaabo xaglo toosiye uu ku biirey dawlada s/land wasiirna ka qaatey iyadoo shaleyba lagu wareejiyey xilka wasaarada dib u dajinta s/land,ma jirto cid sheegatey labdan qarax ee maanta midna qarxey midna laga hortagey,mana jiraan wax ku dhintey balse ay ku dhaawacmeen askar la sheegey in ay bumbka furfurayeen.




