Qarax Bambaano Oo Caawa Lagu Weeraray Ciidamo Ku Sugan Laanta Towfiiq Degmada Yaaqshiid Ee Magaalada Muqdisho

0
511

Qarax bam-ka nooca Gacanta Laga Tuuro Ayaa Caawa Waxa Uu ka dhacay Laanta Suuqa Towfiiq Degmada Yaaqshiid Ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

Qaraxaani Ayaa La Sheegay In Ay Ku dhaawacmeen 2 ka tirsan ciidmada dowladda Soomaaliya Oo Ku Sugnaa Xarunta Lagu Weeraray Bum-kaasi.

Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaankaasi Degan ayaa sheegay in Bamka gacanta laga gamo lala barilmaameedsaday Askar ka tirsan DF oo ku sugnaa Laanta Towfiiq oo ku taala dhabarka dame Suuqa Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid.

Qaraxa Kadib Ayaa Ciidmaddii Ku Sugneed Halka Qaraxa lala bartilmaameedsaday waxay fureen rasaas xoogan Balse Ma Jiro Cid Ku Wax Yeeloowday Rasaastaasi Ay Fureen Ciidanka.

Kooxihii weerarkaasi geystay ayaa la sheegay inay markiiba goobta ka baxsadeen iyadoona Ciidmo Ka Tirsan Maamulka Degmadda Yaaqshiid Ee Dowladda Soomaaliya Ay goobta soo gaaray baaritaanona ka bilaabay halka uu Ka Dhacay Qaraxa.