Gudiga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Federalka oo Shaaciyey Jadwelka Dooraho ee Gudoomiye Cusub.

0
10

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay jadwalka rasmiga ah ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo la bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta doonaya xilkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta musharraxiinta ay ka bilaaban doonto xarunta Villa Hargeysa 5 iyo 6-da Agoosto 2026, halka khudbadaha musharraxiinta loo qorsheeyey 8-da Agoosto, dooddana ay dhici doonto 9-ka Agoosto.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la qaban doonaa 10-ka Agoosto 2026.

Guddigu wuxuu sidoo kale shaaciyey in musharraxa u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga rabo inuu bixiyo $30,000, hadii musharraxa u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay tahay qof Dumar ahna waxaa laga rabaa $15,000, iyadoo lacagaha lagu shubayo akoonka Golaha Shacabka ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Sida ku cad shuruudaha la soo saaray, musharraxu waa inuu xubin ka yahay Golaha Shacabka, da’diisuna aysan ka yarayn 35 sano.

Waxa kale oo laga doonayaa inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo waalidkii Soomaaliyeed yihiin, inuusan haysan jinsiyad kale ama uu caddeeyo inuu ka tanaasulayo haddii la doorto, isla markaana uu keeno warqad caddeyn ah oo ka timid Hay’adda Hanti-dhowrka Guud.

Musharraxiinta ayaa sidoo kale laga rabaa inay soo gudbiyaan codsigooda, taariikh nololeedkooda (CV), nuqulka aqoonsiga xildhibaannimada, laba sawir iyo warqadda caddeyneysa bixinta kharashka diiwaangelinta.

Doorashadan ayaa imaanaysa xilli Golaha Shacabka uu isku diyaarinayo doorashada guddoon cusub, taas oo qayb ka ah dib-u-habeynta hoggaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shaaciyey jadwalka doorashada iyo shuruudaha musharraxiinta
Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shaaciyey jadwalka doorashada iyo shuruudaha musharraxiinta