Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dawladda Federalka oo Isaga Baxay Gobolka Mudug una Dhaqaaqay Dhinaca Gobolka Galguduud.

0
8

Ciidamo hore uga tirsanaan jiray Puntland balse markii dambe ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay isaga baxay xeryo ciidan oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay u jiheysteen dhanka Gobolka Galgaduud, kadib markii ay heleen xog sheegaysa in Puntland ay tallaabo ciidan qaadi karto haddii aysan muddo kooban uga bixin goobta ay ku sugnaayeen.

Odayaal dhaqameed ayaa la kulmay saraakiisha ciidamadan, iyagoo kala hadlay in ay dib ugu soo laabtaan dhinaca Puntland ama ay ka guuraan deegaannada Puntland oo ay aadaan meelaha ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ku biiri doonaan xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada Danab ee Dowladda Federaalka, iyadoo aan weli la ogeyn in ay mar kale ku soo laaban doonaan magaalada Gaalkacyo.

Tallaabadan ayaa timid maalin kadib markii ciidamada Puntland ay la wareegeen xerada ciidanka PSF ee Gaalkacyo, halkaas oo laga bililiqaystay hub iyo gaadiid dagaal oo ay ciidamada PSF uga carareen goobtaas.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo dhaweeyay howlgalkaasi ayaa farriin u diray ciidamada kale ee la shaqeeya Dowladda Federaalka ee ku sugan Puntland, isaga oo ugu baaqay inay si degdeg ah ugu soo wareejiyaan dowladda hubka iyo ciidankooda.

Kadib hadalka madaxweynaha Puntland,  feejignaan ayaa laga dareemayaaa xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada xiriirka la leh Dowladda Federaalka ee ku sugan gudaha Puntland.