Xoolaha Nool Sida Ariga iyo Lo’da ee Magaalada Lagu Soo Daayo oo Maamulka Goolka Banaadir Digniin Ka S oo Saaray.

0
266

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Dheere, ayaa si rasmi ah u akhriyay go’aan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaasi oo lagu mamnuucayo lo’da lagu sii daayo waddooyinka caasimadda.

Go’aankan ayaa yimid kaddib wada-tashi uu guddoomiyuhu la sameeyay qoysaska dhaqda lo’da gudaha Muqdisho, iyo cabashooyin muddo dheer ka taagnaa caasimadda oo la xiriira saameynta lo’da lagu daayo waddooyinka.

Maamulka ayaa sheegay in arrintani ay sababto dhibaatooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin nadaafad darro ka dhalata saxarada iyo wasakhda waddooyinka, taas oo lagu tilmaamay mid saameyn ku yeelata caafimaadka bulshada iyo deegaanka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in lo’da waddooyinka lagu daayo ay carqaladeyso isku socodka gaadiidka, taas oo keenta shilal, ciriiri iyo khataro saameeya badqabka dadka iyo gaadiidka.

Maamulka ayaa intaas ku daray in arrintani ay sidoo kale caqabad ku tahay dadaallada dhiraynta iyo qurxinta caasimadda, maadaama lo’da ay baabi’iso dhirta lagu beero waddooyinka iyo goobaha cagaarinta.

Waxaa kale oo lagu sheegay in ay jirto khatar caafimaad oo ka dhalan karta isticmaalka caanaha iyo hilibka lo’da oo laga yaabo in ay quudato wasakh iyo waxyaabo aan ku habboonayn cunista.

Sidaas darteed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aanno ay ka mid yihiin: In si buuxda loo mamnuucay lo’da lagu sii daayo waddooyinka Muqdisho, In dadka dhaqda lo’da la siiyo muddo laba toddobaad ah oo ka bilaabanaysa 16-ka Juun 2026, kuna eg 27-ka Juun 2026, si ay u xareeyaan lo’dooda iyo dhammaadka muddadaas tallaabo sharci ah laga qaadi doono lo’da lagu arko waddooyinka caasimadda.

Ugu dambeyn, maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo qoysaska dhaqda lo’da wada-shaqeynta iyo fahamka ay muujiyeen, isagoo sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu hagaajinayo bilicda, nadaafadda iyo horumarka magaalada Muqdisho.