Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS oo Asteysay Waqtiga Doorashada Gudoonka Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

0
8

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in doorashada guddoonnada goleyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir la qaban doono 5-ta July 2026, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay hirgelinta hannaanka doorashooyinka dowladda hoose ee Gobolka Banaadir, iyadoo la raacayo diyaargarowgii iyo qorshayaashii hore ee la xiriiray doorashadii deegaanka ee gobolka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ujeeddadu tahay in la qabto doorashada guddoonnada goleyaasha degmooyinka si ay u gutaan waajibaadka sharciyeed ee loo igmaday, isla markaana loo helo maamullo degmo oo dhammaystiran.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay xustay in la qiimeeyay diyaar-garowga dhinacyada ay khusayso doorashadu, ayna ku qanacday in la gaadhay heerkii lagu qaban karay doorashada.

Warqadda ayaa lagu wargeliyey ururrada siyaasadda iyo xubnaha goleyaasha deegaanka ee la doortay inay dhamaystiraan diyaar-garowgooda muddada ka horreysa maalinta codbixinta.

Go’aankan ayaa imaanay, kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya wax laga weydiiyay sababta xildhibaanada la doortay aan weli loo fariisin si ay u doortaan guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in guddiga doorashada looga baahan yahay inay muddeeyaan waqtiga doorashada degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS oo 5-ta July u asteysay doorashada guddoonnada goleyaasha degmooyinka Banaadir