Dhex- Dhexaadinta Koobka Suber Kabka Yurub oo Loo Magacaabaty Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan.

0
5

Ururka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) ayaa ku dhawaaqay in garsooraha Soomaaliyeed Cumar Aadan Artan loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaarta UEFA Super Cup 2026, oo dhex mari doonta kooxaha Paris Saint-Germain (PSG) iyo Aston Villa.

Ciyaarta ayaa lagu wadaa inay 12-ka Agoosto ka dhacdo magaalada Salzburg ee dalka Austria, iyadoo ay isaga hor imanayaan kooxda ku guuleysatay Champions League-ga Yurub ee PSG iyo kooxda ku guuleysatay Europa League-ga ee Aston Villa.

Magacaabistan ayaa timid kaddib wada-hadallo dhex maray UEFA iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), kuwaas oo dhowaan heshiis iskaashi oo cusub ku saxiixday horumarinta dhinacyo kala duwan oo kubadda cagta ah, gaar ahaan garsoorka.

Cumar Aadan Artan, oo ka mid ah garsoorayaasha ugu magaca weyn Afrika, ayaa ku jiray liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA tan iyo sanadkii 2018. Inkastoo uu da’yar yahay, wuxuu maamulay kulamo waaweyn oo heer qaaradeed iyo caalami ah, waxaana ka mid ah lugtii labaad ee final-ka tartanka CAF Champions League ee xilli ciyaareedkii 2025/2026.

Sanadkii 2025 ayuu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Ragga ee Sanadka Afrika, taas oo CAF ay siisay kaddib bandhigyo heer sare ah oo uu ka sameeyay tartamada qaaradda.

Inkasta oo FIFA ay hore ugu dartay liiska garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026, haddana Artan kama qayb geli karin tartankaas kaddib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka.

Madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin, ayaa sheegay in Artan uu yahay garsoore tayo sare leh oo horey isu caddeeyay, isla markaana magacaabistiisu ay muujinayso ixtiraamka UEFA ay u hayso xirfaddiisa iyo heerka uu ka gaaray garsoorka caalamiga ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha CAF, Patrice Motsepe, ayaa ku tilmaamay magacaabista Artan mid sharaf weyn u ah Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

“Cumar Aadan Artan wuxuu Soomaaliya iyo Afrika geliyay sharaf weyn. Magacaabistiisa ciyaartan iyo guulihii uu hore u gaaray waxay caddeyn u yihiin kartidiisa heer caalami iyo sumcadda uu ku leeyahay dunida kubadda cagta,” ayuu yiri Motsepe.

Magacaabistan ayaa ka dhigeysa Cumar Aadan Artan mid ka mid ah garsoorayaasha Soomaaliyeed ee ugu sarreeya ee abid lagu aamino maamulka kulan rasmi ah oo ay qabanayso UEFA, taas oo loo arko guul taariikhi ah oo u soo hoyatay garsoorka Soomaaliyeed iyo kan Afrika.