Taliska Ciidanka Booliiska Dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku raad joogo shaqsiyaad iyo kooxo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin duubista iyo faafinta muuqaallo laga duubay qaar kamid ah shacabka, kuwaas oo talisku ku sheegay in loo adeegsanayo dano ay wataan cadowga maamulka.
War ka soo baxay taliska ciidanka Booliiska Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku hayaan xog muujinaysa in falalkaasi lagu doonayo marin-habaabinta bulshada iyo dhaawaca amniga iyo xasilloonida deegaanka.
Booliiska ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan cid kasta oo lagu tuhunsan yahay abaabulka, duubista, faafinta ama fududaynta muuqaalladaasi, iyagoo xusay in baaritaanno la xiriira arrintaas ay socdaan.
Taliska ayaa sidoo kale ka digay ku lug lahaanshaha falalkaas, wuxuuna caddeeyay in qof kasta oo lagu helo inuu qayb ka yahay loo marin doono tallaabooyin sharci ah laguna horgeyn doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh.
Booliiska Waqooyi Bari ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, kana fogaadaan faafinta ama taageeridda wax kasta oo ay sheegeen inay wax u dhimayaan amniga, nabadda iyo xasilloonida bulshada.
Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Laascaanood kufsi wadareed loogu geystay gabadh 14 jir ah, kufsigaas oo lala xiriirinayo inay geysteen dhalinyaro qaraabo la ah labo gabdhood oo walaalo ah oo horey halkaas loogu kufsaday.













