Qaar kamid ah Ururada Siyaasadda ee Doorashada Koofur galbeed oo Sheegay in ay ka Baxayaan hadii aan wax laga Qaban Musuq-maasuq Baahsan ee ka jira baydhabo.

0
5

Xisbi siyaasadeed Sinnaanta iyo Caddaaladda ee Sincad ayaa ku hanjabay inuu ka bixi doono doorashada maamulka Koonfur Galbeed, haddii aan wax laga qaban waxa uu ku tilmaamay musuq maasuq iyo cadaalad darro ka jirta geeddi-socodka doorashada.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, xoghayaha guud ee xisbiga Sincad, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in xisbigiisu uu wali taageersan yahay doorashada qof iyo cod, balse uu jiro faragelin siyaasadeed iyo ku takrifal awood dowladeed oo uu ku eedeeyay xisbiga talada haya ee JSP.

“Waxaan ka mid nahay dadkii ku qancay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in xisbigiisu uu doonayo inuu shacabka Koonfur Galbeed codkooda ku kasbado si musharraxiintiisu uga qeyb galaan heerarka kala duwan ee dowladnimada.

Xoghayaha xisbiga SINCAD wuxuu sheegay in xisbigiisa laga hor istaagay qabanqaabooyin ay ku lahaayeen Baydhabo, halka xisbiga talada haya uu si xor ah u adeegsanayo awoodaha dowladda iyo ololaha siyaasadeed.

Afrax ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada inay shacabka marin-habaabinayaan, isagoo sheegay in magaalada laga abaabulay munaasabado lagu taageerayo musharraxiin ka tirsan JSP, kuwaas oo loo muujinayo inay durba ku guuleysteen kuraasta doorashada.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo farageliyo xaaladda ka taagan Baydhabo, islamarkaana la keeno kormeerayaal caalami ah oo la socda doorashada.

Inkasta oo uu sheegay inaysan dooneyn inay qaadacaan doorashada, ayuu caddeeyay in haddii xaaladda hadda jirta aan wax laga beddelin, xisbigiisu aanu sii wadi doonin ka qeybgalka doorashada Koonfur Galbeed.

Sidoo Kale Ururka Dadka Soomaaliyeed ayaa Sheegay in uu Gebi’ahaanba ka baxay Doorashada la Filayo in ay ka Dhacdo Koonfur Galbeed 10 ka Bishan May ee 2026 Sababo jira awgood iyagoon Faahfaahin Caqabadaha ay la Kulmeen.