Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti City halkaasi oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Ismail Omar Guelleh.
Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka mid ah madaxda dalalka Geeska Afrika ee lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti, waxaana inta uu joogo dalkaasi uu kulamo la yeelan doonaa madaxda sare ee Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Guelleh ayaa dhawaan ku guulaystay doorashadii dalkaas ka dhacday, isagoo ku guuleystay 97.8 boqolkiiba codadka dadweynaha, taas oo u suuragelisay inuu hoggaanka dalka sii hayo markii lixaad. Inkastoo ay dooorashadaasi qaadaceen inta badan mucaaradka dalkaasi, halka musharraxa keliya ee la tartamayay uu helay codad aad u yar.
Ismail Omar Guelleh oo 78 jir ah ayaa talada dalka hayay muddo 27 sano ah, kadib markii dastuurka wax laga beddelay si looga saaro xadka da’da musharraxiinta madaxtinimada.













