Xafiiska Hantidhawrka Puntland oo ku Wargeliyey Wasiirada Cusub in ay Soo Gudbiyaan Hantidooda Guurto iyo Ma Guurtaba.

0
356

Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Puntland ayaa faray dhammaan Wasiirrada, Wasiir-ku-xigeennada, iyo Wasiirrada Dowliga ah inay soo gudbiyaan hantidooda gaarka ah muddo bil gudaheed ah marka ay xilka qabtaan, sida ku cad Qodobka 77aad ee Dastuurka Puntland.

Xisaabiyaha Guud, Cusmaan Maxamuud Cali, oo warqad u diray Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee Puntland, ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhammaan mas’uuliyiinta sare ee Puntland aysan geli karin ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan, iyo in hantidooda si cad looga diiwaan geliyo Xafiiska Hanti-dhawraha Guud bisha ugu horreysa ee ay xilka qabtaan.

Warqadda ayaa sidoo kale ka digtay in mas’uuliyiinta ka tagaya xafiiska ay la xiriiraan Hanti-dhawraha Guud si ay u xaqiijiyaan wax kasta oo isbeddel ah oo ku yimaada hantidooda inta ay xilka hayaan, iyadoo la raacayo qodobbada 129 ilaa 134 ee Dastuurka Puntland, kuwaas oo ka hadlaya mabaadi’da maamul wanaagga, maamulka, iyo ka hortagga lunsiga hantida dadweynaha.

Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Puntland ayaa sheegay inay dardargelin doonto heerka isla xisaabtanka ee uu Dastuurku u ogol yahay, si loo xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo kalsoonida dadka reer Puntland ee ku aaddan maamulka hantida dadweynaha.