Xarun Loogu Talagaley Saybarka Amniga Qaranka oo Ra’iisal Wasaare Xamze Cabdi Barre uu Xarigga Ka Jaray.

0
421

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka, taasoo loo dhisay si looga jawaabo xaaladaha degdegga ah ee khataraha amniga isgaarsiinta iyo weerarrada saaybarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in furitaanka xaruntan ay muhiimad weyn u leedahay amniga qaranka, gaar ahaan xilli dunidu si weyn ugu tiirsan tahay tiknoolojiyadda, isla markaana ay sii kordhayaan falalka khatarta ku ah nidaamka isgaarsiinta. Xaruntan ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doonta ka hortagga khatarahaas iyo ilaalinta macluumaadka hay’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sidoo kale xaruntan ku tilmaamay guul muhiim ah, maadaama ay mas’uul ka noqon doonto isku-duwidda iyo ka jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka, iyo sidoo kale diiwaangelinta weerarrada ka dhanka ah tiknoolojiyadda.

Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa wacyigelin laga siin doonaa khataraha ka iman kara isgaarsiinta iyo sida looga hortagi karo, si bulshada looga saaro halista internet-ka iyo weerarrada saaybarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay wado qorshayaal lagu horumarinayo tiknoolojiyadda dalka, iyadoo tallaabadan ay timid kadib markii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ay soo jeedisay hirgelinta hay’adaha muhiimka u ah nidaamka isgaarsiinta, kuwaasoo ay ka mid tahay National Communications Authority, oo door muhiim ah ka ciyaarta xaqiijinta amniga tiknoolojiyadda iyo horumarinta kaabeyaasha dijitaalka ee dalka.

Xaruntan cusub ayaa lagu tilmaamay in ay qayb weyn ka qaadan doonto sugidda amniga dhanka internet-ka, ilaalinta xogta dowladda, iyo kobcinta adeegyada dijitaalka ee dalka.