Ururka Dawladaha Carabta oo Soo Dhaweeyey Taageereyna Dastuurka Cusub ee Golayaasha Barlamaanka Federalku Ansixiyeen.

0
379

Ururka Dowladaha Carabta ayaa soo dhaweeyey ansixinta Baarlamaanka Soomaaliya ee Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galkiisa

War muriyeed kasoo baxay xoghayaha ururka Dowladaha Carabta, Ahmed Aboul Gheit ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid taariikhi ah oo ku aaddan dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Aboul Gheit ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka dastuuriga ah ee dalka, kaasoo ku saleysan xukunka sharciga, kala-soocidda awoodaha, ixtiraamka xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha, iyo xaqiijinta midnimada qaran ee  dalka.

Sida uu sheegay afhayeenka Xoghayaha Guud, Gamal Roshdy, ansixinta dastuurka wuxuu sheegay inuu ka tarjumayo geeddi-socod qaran iyo dadaallada joogtada ah  si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, midnimada, maamulka wanaagsan, iyo horumar waara.

Ururka Dowladaha Carabta wuxuu sheegay inuu sii wadi doono taageerada iyo wada-shaqeynta uu la leeyahay dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo xasilloonida, xoojinta hdimuqraadiyadda, iyo ilaalinta midnimada qaran.