Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump oo Maxkamada Sare ku eedeeyey Daacad Darro Kadib Canshuuro ay Laashay.

0
321

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray qaar ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Maraykanka kadib markii ay laaleen canshuuro uu ku soo rogay dalal badan, isaga oo ku tilmaamay “kuwa aan waddaniyad lahayn oo aan daacad ahayn.”

Trump ayaa warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuu “u khajilsanyahay xubnaha ka tirsan maxkamadda,” isla markaana ku andacooday in go’aanka maxkamaddu uu saameyn ku yeeshay danaha waddamada shisheeye.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa lagu diiday adeegsiga ballaadhan ee uu Trump ku sameeyay Sharciga Awoodaha Dhaqaalaha Degdegga ah ee Caalamiga ah – IEEPA – si uu canshuuro ugu soo rogo ku dhawaad dhammaan dalalka. Sharcigan oo la dejiyay 1970-meeyadii ayaa u oggolaanaya Madaxweynaha inuu xakameeyo soo dejinta badeecadaha marka ay jirto xaalad degdeg ah oo khatar aan caadi ahayn ku ah amniga qaranka.

Trump ayaa sannadkii hore, bilowgii maamulkiisa labaad, canshuuro ku soo rogay Canada, Mexico iyo China isaga oo ku doodayay in dalalkaasi ku fashilmeen xakamaynta tahriibinta daroogada fentanyl ee soo galaysa Maraykanka.

Garsoorayaasha Neil Gorsuch iyo Amy Coney Barrett – oo Trump magacaabay xilligii hore ee madaxtinimadiisa – ayaa ku biiray Guddoomiyaha Maxkamadda John Roberts iyo saddexda garsoore ee loo arko kuwa garabka bidix si ay u go’aamiyaan in adeegsiga awoodaha degdegga ahi uu sharci-darro ahaa.

Dhanka kale, Trump ayaa u mahadceliyay garsoorayaasha diidmada muujiyay ee kala ah Clarence Thomas, Samuel Alito iyo Brett Kavanaugh, isaga oo ku tilmaamay kuwo “xoog iyo xigmad leh” oo jecel dalkooda.

Markii wax laga weydiiyay in uu ka qoomamaynayo magacaabista Gorsuch iyo Barrett, Trump ayaa sheegay in aanu rabin inuu si cad uga jawaabo balse uu go’aankooda ku tilmaamay “mid xun” oo xitaa ceeb ku ah qoysaskooda.

Inkasta oo Maxkamadda Sare ay laashay canshuurihii ku salaysnaa IEEPA, Trump ayaa shaaciyay inuu soo rogi doono canshuur guud oo dhan 10 boqolkiiba, isla markaana uu bilaabi doono baadhitaanno horseedi kara canshuuro cusub oo lagu soo rogo dalal iyo badeecooyin kala duwan. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in canshuuraha kale ee uu hore ugu soo rogay biraha iyo badeecooyin kale ay weli sii jiri doonaan, maadaama aanay qayb ka ahayn kiiskan Maxkamadda Sare.

Trump ayaa ku adkaystay in sharciyo kale oo jira ay siinayaan awood uu ku soo rogi karo canshuuro ka ballaadhan kuwii hore, isaga oo sheegay in “si loo ilaaliyo dalka madaxweynuhu uu qaadi karo tallaabooyin ka sii xooggan kuwii hore.”