Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka warhayso baraha bulshada iyo shaqsiyaad ku howlan faafinta warar been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga Soomaaliya gaar ahaan marka ay timaado madaafiicda lagu soo garaaco Muqdisho.
War kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta ayaa xustay in Dhacdadii ugu dambeysay ee been abuurka ahayd waxay la xiriirtay weerar hoobiyayaal ah oo Al shabaab ku beegsadeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana ay ka digtay in warar aan la hubin laga sii daayo baraha Bulshada.
“Al-Shabaab ayaa sameeyay weerarro aan lahayn bartilmaameed cad oo lagu dhibaateeyay shacabka Muqdisho, iyaga oo adeegsanaya hoobiyayaal si dhuumaalaysi ah loo soo tuuray, kuwaas oo marar badan geystay khasaaro rayid ah, oo ay ku jireen carruur u socotay dugsi Qur’aan oo toddobaadyo ka hor dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.
Ugu dambeyn wasaaradda waxa ay tilmaamtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow ula socoto shaqsiyaadka ku hawlan baahinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha Al shabaab, kuwaas oo si toos ah ama dadban uga qayb qaadanaya qalqal gelinta amniga shacabka, gudaha iyo dibaddaba.