Midowga Afrika ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dardargeliso xoojinta wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro ismariwaaga siyaasadeed, loona dardar galiyo dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Midowga Afrika iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, ayaa ku dhiirrigeliyay Dowladda Federaalka inay sii waddo dadaallada siyaasadeed ee dhanka dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyada oo la xaqiijinayo in dhammaan Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay ka qaybqaataan Golaha Wadatashiga Qaranka si loo gaaro hannaan loo dhan yahay.
Waxa uu u mahadceliyay Midowga Afrika, waddamada ciidamada geeyay Soomaaliya (TCC), iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya taageera, isagoo ugu baaqay inay sii wadaan garab istaagga Soomaaliya si dalka u gaaro nabad iyo xasillooni buuxda.
“Dadaalkeena mideysan ee lagu sugayo amniga Soomaaliya wuxuu noo suurtageliyay inaan sii wadno geeddi-socodka dowlad-dhisidda. Waxaan si joogto ah uga shaqeyneynaa dhismaha ciidan mideysan, tababaran, qalabeysan oo mas’uuliyadooda amni la wareegi kara. Si kastaba ha ahaatee, waxa naga horreeya caqabado waaweyn oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada, iyada oo aan mar kasta dhiseyno hay’adaha amniga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirkii Entebbe.