Puntland ayaa sheegtay in amniga garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid sugan, iyadoo ay si toos ah uga soo dagayaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda. Hadalkaan ayaa kusoo beegmay dhowr maalmood kaddib markii garoonka uu xirmay diginin ka timid ciidanka PSF.
Sidoo kale, Wasaaradda Duulista Puntland ayaa been abuur ku tilmaamtay wararka sheegayay in muddo dhowr cisho ah aysan garoonka ka dagin wax duulimaad ah.
Si kastaba, warar kale oo ay HOL xaqiijisay ayaa sheegaya in qaar kamid ah shirkadaha duulimaadyadu ay diideen inay diyaaradahooda ka dagaan magaalada Boosaaso, iyagoo muujiyay walaac dhinaca ammaanka ah.
Ciidanka PSF ayaa saldhig ciidan ku leh meel aan ka fogayn garoonka Boosaaso, taasoo keeneysa in qaar ka mid ah shirkadaha duulimaadyadu ay ka baqaan in diyaaradaha kasoo daga garoonka Boosaaso ay noqdaan bartilmaameed suurtagal ah.













