Iyadoo shalay fiidkii iska horimaad uu dhexmaray Ciidmada Booliiska Somaliland iyo koox dablay oo isku urursaday deegaanka Gacan-Libaax ayay maanta qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ay billaabeen waan-waan labadda dhinac ah.
Madax dhaqameedka ayaa xusay inay la kulmayaan kooxdan hubaysan, waxayna xukuumadana ugu baaqeen inay ka soo qaado ciidanka booliiska ee la geeyey deegaankasi.












