Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Xukuntay Dhalinyaro Ka Tirsan Ilaalada Shacabka Ee NISA

0
489

Dhaliyaradaani Maanta Lagu Xukmay Dilka Toogasho Ayaa Waxa Ay xubin ka ahaayeen ilaalada shacabka ee ciidamada nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya Ee Marka Lasoo Gaabiyo Loo Yaqaano NISA.

Xukunsanayaashani oo ka tirsanaa ilaalada shacabka ee ciidamada nabad-sugidda ayaa  lagu soo oogay dacwadda dil la xiriira waxaana la sheegay dilka ka hor in uu muran dhexmaray laba dhallinyaro ah oo laga yaqaano baraha bulshada gaar ahaan aalada loo yaqaano TikTok

Dood Iyo Muran Ka Dib ayaa Maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay balse weli ma cada in uu hirgeli doono xukunjaasi maadaama ay weli jirin wax war ah oo ka soo baxay waalidiinta dhalinyaradaan oo awood u leh in ay qaataan racfaan ka dhan ah xukunkaasi.