Al-Shabaab Oo Maalmo Gudahood Markii Saddexaad Soo Weeraray Deegaanka Goofguduud.

0
320

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imanaya gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay iska difaaceen weerar kale oo uga yimid maleeshiyaadka Al-Shabaab oo mar kale soo weeraray deegaanka Goofgaduud.

Waa markii saddexaad ee al-Shabaab ay soo weerarto Goofguduud maalmo gudahood mana Jiro ilaa iyo hada wax falcelin ah oo ay ka sameeyeen saraakiisha dowlada soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii uu madaxweynaha xilka ka qaaday taliyiihii guud ee ciidamada qalabka sida ee soomaaliya iyo taliyaha ciidamada lugta soomaaliya waxaana xil ka qaadistaasi lagu sababeeyay in ay gudanwaayeen waajibaadkooda shaqo.