Wasiirka Amniga Galmudug Oo Booqday Degaanka Qaayib Iyo Goobihii Ay Weerareen Al-shabaab.

0
444

Degaanka Qaayib oo sakay dagaal Gaadmo ah ay kusoo qaadeen dagaalyahanada Al shabaab, ayaa waxaa gaaray Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo u wehliyo Sanator Saciid Siyaad Shirwac iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Amniga, ayaa ciidamada Qalabka sida, Kuwa Galmudug iyo Ciidanka Degaanka ku ammaanay sida ay uga hortageen Dhagarta cadawga iyo Jabka xooggan oo ay gaarsiiyeen

Gaboobe Wasiirka Amniga Galmudug ayaa ciidamada amaanka kula dardaarmay ” Waa inaad ka Xorraysaan Khawaarijta Degaanka oo dhan iyo guud ahaan dalka soomaaliya”