
Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Filand ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee dowladdu ay ku ciribtiteyso kooxda shabaab.
Mr. Pirkka Tapiola ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Filand ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Filand uga mahadceliyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadkaba.












