Magaalada Muqdisho oo ay Beryahan kusoo Badanayaan Burcad Hubeysan Dadkana Boob iyo Dhac u Geysanaya.

0
314

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay amaankeeda noqday mid sii xumaanaya, waxaana magaalada kusoo badanaya burcad hubeesan oo dadka shacabka ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanaya.

Burcadan oo mararka qaar xiran dareeska ciidanka dowladda ayaa dhac u geesanaya dadka shacabka ah ee xaafadaha magaalada Muqdisho ku dhaqan, waxa ayna burcada dadka ka qaataan moobeelada iyo agabyada kale ay heestaan.

Kooxahan burcada hubeesan oo isticmaala mooto bajaaj ayaa dadka ku dhaca xaafadaha dhaxdooda xilliyada habeenkii iyo maalinta cad, waxaana burcada hadda bilaabeen in ay jidadka u galaan dadka subaxii hore shaqada u kalaha.

Burcada ayaa hadda bilaabay in guryaha u dhacaan xilliyada habeenkii, waxaana xalay kooxo burcad hubeesan galeen saqdii dhaxe giri dad shacab ah degan yihiin oo ku sugan xaafada Cali Shire ee degmada Howlwadaag.

Dadka dhaca loo geestay ayaa sheegay in buracada guriga usoo gashay ay wateen qoryo iyo biskoolado, waxa ayna xuseen in laga qaatay dahab, moobeelo iyo agabyo kale oo qaali ah oo guriga yaalay.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa hadda waxaa lasoo daristay cabsi xooggan , waxaana walwalka shacabka kusii kordhiyay burcada hadda bilowday in guryaha saqdii dhaxe usoo dhacaan kana qaataan waxii agab u yaalla.