Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya oo Kulan La Yeeshay M/weynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud.

0
666

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran ee uu Madaxweynuhu  dhawaan ku dhawaaqay, isagoo uga mahadceliyey dadaallada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.

Ganacsatadaan oo magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Xilka loo doortay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka.