Gabar u Dhalatey Dalka Masar oo Shahaadada PHD Ku Qaadatey Naxwaha Afka Soomaaliga iyo Luqadaba.

0
469

Gabar u dhalatay Dalka Masar ayaa Shaahaadada PhD ku qaadatay Luuqadda Soomaaliga gaar ahaan  baaritaan la xiriira dhanka Naxwaha ama Grammerka.

Niqaashka Drs. Bothaina Sayid Max’uud ama Difaaca Buugeeda heerka PhD oo ka dhacday Jaamacada Qaahira ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaana ka qayb galay Arday iyo Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool dalka Masar.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa bogaadisay Drs. Bothaina Sayid Max’uud oo Shahaadadeeda ugu saraysa ku diyaarisay Luuqadda Soomaaliga.

Ma ahan markii ugu horaysay oo Qof Masaari ah PhD ama Master ku qaatay Afka Soomaaliga ah waxaana jira boqolaal Masaari ah oo horay ugu taqasusay Luuqadda Soomaaliga iyo Afafka kale ee Geeska Afrika.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA