Duleedka Degmada Matabaan ee G/hiiraan oo Lagu Qarxiyey Gaari ay Saarnaayeen Wariyeyaal iyo Askar Dawladda ah.

0
613

Wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari ay saarnaayeen wariyaal iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxa miino ayaa kula kacay gaariga ay saarnayeen wariyaasha iyo askarta dowladda duleedka degmada Matabaan ee goboolka Hiiraan, waxaana lasoo warinayaa in qaraxa ay ku dhinteen sadax askari, islamarkaana ay ku dhaawacmeen laba wariye oo lagu kala magacaabo Cabdikariin Shabeeloow iyo Khaalid Ilkacase.

Gaariga qaraxa miinada la kacday ayaa la socday kolanyo ciidan ah oo ay hoggaaminayeen gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlada kuwaas oo howlgalo ka waday maalmahii lasoo dhaafay inta udhaxeeyso magaalooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.