Barlamaanka aqalka sare ayaa sidoo kale guddigan meel mariyay sida lagu sheegay war-saxafaddeed kasoo baxay aqalka sare, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.Lixdan xubnood ee guddiga doorashada, ayaa matalaya shanta dowlad goboleed, Somaliland iyo gobolka Banaadir, waxaana mid walba matalaya xubin katirsan senatarada aqalka sare.
Halkaan hoose ka akhriso guddiga la magacaabay.



Sheekh Aadan Madoobe ayaa magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood, isagoona sheegay inay harsan yihiin sadax xubnood oo uu soo magacaabi doono saadaha soo socda, waxaana guddigan lagu daraya 6 xubnood oo ka imaaneysa Golaha Aqalka sare, kuwaas oo dhamaantood ka shaqeyn doono qabashada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.Xubnaha guddiga ee ka kooban sideeda ee uu magacaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa ay kala yihiin magacyadooda sida hoos ku xusan:-
1-Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2-Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3-Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar.
4-Xildhibaan Maxamed Axmed (Beerey)
5-Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.
6-Xildhibaan Abdiwahab Abdi Omar (Ananuug)
7-Xildhibaan Cumar yuusuf Khaalib.
8-Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.
Guddigaan Maanta ay kala magacaabeen guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda iney si deg deg ah u soo saaraan Jadwalka doorashada laga sugayo iyo dardar gelinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya.












