Gudoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo Gudiga Doorashada M/weynaha kala Hadley Qodobo Muhiim ah.

0
273

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku Xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta gelinkii dambe kulan la qaatay Gudigga Isku-dhafka ah ee Qabanqaabada Doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ugu hambalyeeyay gudigga maanta hoggaanka ay iska dhex doorteen, waxaana uu ku dhiira geliyay in si sax ah loo dhaqan geliyo jadwalka doorashada.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha la dootay ee Gudigga Isku-dhafka ah ee Qabanqaabada Doorashada madaxweynaha mudane Senator Cabdiqani Geelle Maxamed iyo ku-xigeenkiisa Xil. Maxamed Keerow Maxamed.

Muhiimadda kulanka ayaa diiradda lagu saaraayay jadwaleynta iyo qabashada dooraashada madaxweynaha oo ku dhacda jawi nabdoon, hufan oo lagu wada qanacsan yahay

Madaxda waxa ay si gaar ah uga hadleen amniga doorashada, waxayna hoosta ka xariiqeen in xil gaar ah la iska saaro adkeyta amniga doorashada.

Xubnaha Guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada Doorashada Madaxwaynaha JFS ayaa maanta iska dhex doortay Gudoomiye iyo ku xigeen, iyagoo ka dibna soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha Somalia.