Kulanka Barlamaanka 11’aad oo Berito Lagu Magacaabi Doono Gudiga isku Dhafka Labada Gole ee Doorashada M/weynaha 10’aad ee JFS.

0
638

Xubnaha Golaha shacabka Baarlamanka Somalia ayaa beri iskugu yeeray kulan balaaran oo ka dhacaya xaruntooda Villa hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Fariimo caawa loo diray Xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargeliyey inuu beri jiro kulankoodii ahaa ayna soo xaadiraan xarunta golaha

Agendaha kulanka beri ayaa lagu sheegay inuu yahay Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Shiikh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay beesha caalamka ayaa laga dalbaday inuu dedejiyo doorashada Madaxweynaha Somalia oo ah mida kaliya ka hartay doorashooyinka Somalia.