Hay’addaha gargaarka Qaramada Midoobay ayaa sheegay Soomaaliya inay wajaheyso xaaladdo bini’aadinimo oo adag, iyagoo sheegay in ku dhawaad 40% Soomaalida ay qarka u saaran yihiin macluul.
War-saxaafadddeed ay Muqdisho kasoo saareen Saddexda hay’addood ee kala ah, UNICEF, WFP iyo OCHA, ayay ku sheegeen in Malaayiin Soomaali ah ay halis ugu jira inay ku habsato macluul. Waxay sheegeen baahida sii kordheysa inay ka badan tahay gargaarka bani’aadamnimo ee loo heli karo.
Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si degdeg ah dhaqaale loogu deeqo, si loo suurtageliyo in sare loo qaado gargaarka naf-badbaadinta ee Soomaaliya. Waxay sheegeen in lix milyan oo Soomaali ah, ama ku dhawaad 40 boqolkiiba dadweynaha, ay hadda soo food saartay heerar cunto yari aad u daran.
Isku soo wada duuboo, hay’adaha bixiya gargaarka bini’aadannimo waxay gargaar gaarsiiyeen ku dhawaad laba milyan laga soo bilaabo Febraayo 2022, laakiin farqiga weyn ee u dhaxeeya maalgelinta deeq-bixiyayaasha ayaa la macno ah in aanay sii wadi karin oo aanay kordhin karin taageeradooda si ay u daboolaan baahiyaha sii kordhaya.
“Maalgelinta aan u baahanahay si aan uga jawaabno xaaladan ba’an, weli nama soo gaarin. Dhammaanteen waan daawaneynaa masiibadan dhacaysa gacmahana waa naga xiran yihiin,” ayuu yiri Etienne Peterschmitt, oo ah wakiilka FAO ee Soomaaliya. ”
Carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa ka mid ah kuwa ugu nugul abaarta sii xumaanaysa, waxaana aad u yar helidda cunnada iyo caanaha taasoo ay ugu wacan tahay sare u kaca qiimaha badeecadaha iyo hoos u dhaca qiimaha xoolaha.












