Howlgalka ATMIS ayaa sheegay inaan sinnaba loogu talagelin tallaabadan in lagu carqaladeeyo, laguna qasbo in dib loo dhigo, ama lagu farageliyo habsami u socodka xafladda dhaarinta Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ama hawlo kale oo doorasho ah.
Waxay sheegeen ujeedada kaliya ee laga leeyahay inay tahay in la fududeeyo howlgallada loogu talagalay in lagu xaqiijiyo in Xerada Saldhiggu ay ahaato meel ammaan ah, inta lagu guda jiro xilligaan xasaasiga ah ee doorashada, oo ay ku jiraan dhaarinta, dabbaaldegga maalinta Ciidanka Xoogga dalka iyo bisha Ramadaan.
ATMIS waxa ay sheegtay inay si wada jir ah ula shaqeyneyso Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) si loo xaqiijiyo in dhameystirka hannaanka doorashada lagu gaaro jawi wanaagsan oo ka caaggan rabshado.













