Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ku soo rogayso xannibaado ka dhan ah fiisaha tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaadka kale ee ku lugta leh dib u dhaca ku yimid doorashada.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dib u dhaca gabagabada doorashada Soomaaliya ay horseedayso xasilooni darro siyaasadeed oo khatar ku ah guulaha laga gaaray amniga, iyo horumarka dhaqaalaha.
” Ka dib markii lagu guul daraystay in doorashada la qabto waqtigii ay ku beegnayd 25-ka bishan February, si loo dhamaystiro doorashada golaha wakiilada, ayaa dowladda Maraykanka waxay masuuliyiinta ku lug leh kusoo rogaysaa xannibaad ka dhan ah fiisaha siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.
Maraykanka waxa uu ku baaqay in si degdeg ah loosoo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha si hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay qiimeyn doonto tallaabooyin dheeraad ah si kor loogu qaado isla xisaabtanka iyo taageerada geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.
XIGASHO: Allbanaadir.com
1-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Eng. Maxamed Xuseen Rooble
2-Madaxda Shanta maamul goboleed oo kala ah:-
-Madaxwayne Axmed Madoobe
-Madaxwayne Saciid Dani
-Madaxwayne Axmed Qoorqoor
-Madaxwayne Abdiaziz Laftagareen
-Madaxwayne Ali Guudlaawe
3- Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin) oo ah la taliyaha amniga Qaranka.
4- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi
5- Cabdullaahi Aden Kulane (Jiis)
6-Musharax Madaxwayne Abdirahman Abdishakur Warsme
7-Musharax Madaxwayne Abdikariin Guuleed
8-Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka tirsan saraakiisha NISA
9-Madaxwaynihii hore ee Somalia Shiikh shariif Shikh Axmed.
Liiska waxaa laga reebay sida wararku sheegayaan Farmaajo Xasan Cali Khayre iyo Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inay kusoo baxaan Kursiga Madaxwaynaha Soomaaliya inkastoo isbedel uu ku iman karo.
Xubnaha beesha caalamka ayaa u sheegay Allbanaadir in Maraykanku ka shakisan yahay in Shiikh Shariif Shiikh Axmed lagu haysto in isaga iyo Fahad ay qorsheynayaan dhismaha dowlad islaami ah oo Maraykanku halis argagixiso uu ka dhex arkay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in lacag labo Milyan oo dollar ah uu Fahad siiyay Shariifka doorashada bilowgeeda.












