War Deg Deg ah Maqaaxi ku Taal Agagaarka Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada oo Qof isku Qarxiyey.

0
749

Qarax aad u Xoogan ayaa Dhawaan laga Maqley Degmooinka Boondheere,shangaani,Xweyne iyo Qeybo Kamid ah Degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir iyadoo Sida La Sheegay uu Qof isku Qarxiyey Maqaaxi ku taal Agagaarka Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada Dawladda Federalka Soomaaliya.

Waxaa Hadda La Maqlayaa Sawaxanka Gaadiidka Gargaarka Degdegga ah oo Goobta kusii Jeeda welina lama oga Khasaaraha dhimasho iyo Dhaawac ee Goobta ka Dhacey,waxaanan idiin soo Gudbin doonaa wixii Warar ah ee kusoo Kordha insha allaah.

  1.