Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha hay’adda maamusha ciiddanka PSF ee uu Maraykanku maalgaliyo.
Hay’adda PSF, waxaa hadda maamulayay oo madax ka ah sarkaal lagu magacaabo Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo la dhashay Gen, Asad Cabdullaahi Cabdullaahi Diyano oo katirsan masuuliyiinta sare ee urur siyaasadeedka mucaaradka ah ee Mideeye.
General Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo xilkan soo hayay tan iyo sannadkii 2010, ayaa iska casilay sannadkii 2018, kadib markii uu u tartamay xilka madaxweynaha Puntland ee looga guulaystay.
Isaga laftiisu wuxuu xilkaan kala wareegay Aabihiis oo geeriyooday ka hor waqtiga uu xilka la wareegay, waxaana tan iyo markii la aas aasay hay’adda PSF ay ahayd mid maamulayeen qoyska reer Cismaan Diyaano.











