Cirro ayaa sidookale, madaxweyne Biixi ku dhaliilay in aanu xusin gacantii uu madaxweyne Siilaanyo ku lahaa heshiiska dib loogu dhisay madaarka casriga ah ee Berbera, oo xukuumadii Siilaanyo dib u dhiskiisa la saxeexatay dowlada Imaraatka Carabta.
“Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha dowladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta madaxda, waxaas’e yaab umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa” ayuu yidhi Cirro.
Cirro oo ka jawaabaya dhaliishii madaxweyne Biixi uu ku dhaliilay in xisbigiisu kasoo horjeeday heshiiska dib loogu dhisay madaarka iyo dekedda, ayaa sheegay in xisbigiisu aanu kasoo horjeedin horumarka ee uu kasoo horjeeday habka heshiiska loo maamulay.
“Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki xisbigaaga Kulmiye u qardo jeexayey ee baal-marsaneyd sharciyadda dalka” ayuu yidhi Cirro.











