Abaaraha Ka Jira Gobolada Dalka oo Rwasaare Rooble Gudi Wasiiro ah u Magacaabey.

0
213

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran gurmadka dadka la il-daran abaaraha ku dhuftay meelo badan ee waddanka ah.

Raysal wasaaraha ayaa guddigan faray in si degdeg ah  ugu howlgalaan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya, iyadoo ahmiyad la siinayo sida ay gobolada dalku xaaladdooda u kala culus tahay.

Wuxuu Raysal wasaaruhu sheegay in dowladdu isku wadayso doorashada iyo ka jawaabida arrimaha abaaraha.

Wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay ka caawiyaan dowladda Soomaaliya sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Guddigan waxaa madax u ah wasiirka gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana qeyb ka ah xubno wasiiro ah iyo culimada Soomaliyeed.

Malaayiin qof oo Soomaaliyeed ayay abaaruhu si aad u sameeyeen, dadkaas oo u badan kua nool miyiga, kadib markii ay ka dhamaadeen biyihii iyo baadkii, taasoo keentay in ay xaalad adag ku sugan yihiin.

  1.