Allaha U naxariistee Sadex Qof oo Ku Geeryooday Qarax Miino Lala Eegtay Gaari ay Saarnaayeen Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

0
308

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax miino oo goor dhaw ka dhacay deegaanka Kaxda ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxan ayaa lala eegtay gaari SURF,waxaana la sheegay inay ku dhinteen saddex ruux, halka qof dumar ahna uu dhaawac ka soo gaaray.

Lama sheegin dadka gaariga la socday ee qaraxa  lala eegtay waxaana goobta qaraxa taggan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Sida La Xaqiijiyey waxaa Ka Mid ahaa Dadka Geeryooday AUN Ganacsade C/llaahi Maxamuud Gacmadheere iyo Labo Qofood oo kale

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhaya qaraxyada noocan ah ee loo adeegsano miinada oo inta badan lala eegto gaadiidka ay la socdaa saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda.

  1.