Shirka Xukuumadda iyo Musharaxiinta ee Hotel Decale oo weli Wax Kasoo Baxey Aaney jirin Lguna kala Tegay.

0
695

Hotel Decale ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw ka furmay wajigii saddexaad kulan ay leeyihiin Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta.

Kulanka waxaa jooga oo ka qeybgalaya inta badan xubnaha midowga Musharixiinta dalka waxaana looga wada hadlayaan xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka iyo dibadbaxa lagu waddo in ay maalinta Sabtida dhigtaan siyaasiyiinta mucaaradka.

Xukuumadda ayaa horay u saartay Guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya dibadbaxa, sidoo kalana qoraal xalay ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu fasaxay in mucaaradku dibadbaxooda ku dhiggan karaan taalada Daljirka Dahsoon.

Kulanka marka uu soo dhamaado waxaa lagu wadaa in labada dhinac ka soo saaraan war-murtiyeed la xiriira wax yaabihii lagu heshiiyay Hase Yeeshee ilaa Hada Wax war ah Lagama Soo Saarin iyo Qodobada leysku Mari waayey waxeyse labada Dhinac Sheegeen in ay burbureen wadahadaladii u socdey xukuumada iyo Musharaxiinta mucaaradka ah.