Guddiga qaabilsan abaabulka Banaanbaxa Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa shaaciyay goobaha aay isugu imaan doonaan Banaanbaxayaasha.
Kulanka Guddiga waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro hore, Xildhibaano, iyo waliba Wakiilo ka socday Midowga Musharaxiinta iyo kooxo kale oo ka socday Xisbiyada oo qeyb ka ahaa abaabulka Banaanbaxa lagu waddo maalinta Sabtiga ah inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Banaanbaxayaasha ayaa la faray iney isugu yimaadaan maalinta Sabtiga ah isgoysyada kala ah, Fagax, Siinaay, Mirinaayo, KM4, iyo Isgooyska Soobe.
Guddiga ayaa sheegay in dadka isgooysyadaas aay isugu yimaadan kadibna aay tagi doonaan Daljirka Daahsoon oo ah goobta aay isugu tagi doonaan dhamaan Banaanbaxayaasha.











