Maxay Tahay Sababta Uu U Baaqday Mudaharaadkii Daljirka Dahsoon?

0
495

Golaha Musharraxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in ay hakiyeen dibadbax ay qorsheynayeen in ay barito ku qabtaan Magaalada Muqdisho kaddib markii ay sheegeen in ciidamo lagu gadaamay halkaas.

Dibadbaxa oo ay maanta qabanqaabadi8sa si xoog leh u sococotay ayaa la filayay in uu ka dhaco fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, oo ah goob caan ku ah isu soo baxyada. Mucaaradka iyo xukuumadda federaalka ayaa isku fahmi waayay arrimo farsamo oo la xiriira mudaharaadkan.

Shir ay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharraxiinta Mucaaradka ayaa ku dhammaaday fashil.

Labada dhinac ayuu midba kan kale ku dhaliilay in sabab u yahay khilaafka ay ku kala boodeen.

Hal qodob oo la isku waafaqi waayay, sababna u ah in uu mudaharaadka dhici waayo ayaa ah cidda sugeysa amniga, inkastoo mucaaradku ay ku andacoodeen in ay dowladda u daayeen howshaas.

Maxay dhaheen musharraxiinta mucaaradka?

Shir jaraa’id oo ay galinkii dmabe ee maanta Muqdisho ku qabteen qaar ka mid ah Musharraxiinta Mucaaradka – oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed – ayey ku sheegeen in ay baajiyeen dibadbixii loo ballansanaa Sabtida kaddib markii dowladdu ay ciidamo hubeysan geystay Daljirka Dahsoon.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay shirka jaraa’id ayaa yidhi: “Dood dheer kaddib annaga iyo xukuumadda waan ku heshiinnay in bannaan baxa la dhigo, way aqbaleen.

Halkaas ayadoo ay taagan tahay, amnigiina aan ku wareejinnay, annagana qabanqaabadeennii caadiga ahayd aan ku jirno ayaa maanta waad ka war qabtaan Daljirka wuu xiran yahay. Ma aha Daljirka kaliya balse magaalada oo dhan baa xiran.”

Wuxuu dowladda ku eedeeyay in ay “xero ciidan ka dhigtay” Daljirka Dahsoon ee ay doonayeen in ay mudaharaadka ku qabsadaan.

“Lambar afar ka billow ilaa waqooyiga Muqdisho meesha ugu dambeysa magaaladu way xiran tahay. Ciidan ayaa lagu daadiyay waddooyinkii ayaa la xiray. Daljirka ciidan badan ayaa la dhoobay, xero ciidan ayaaba laga dhigay Daljirkii bannaanbaxa loo qabanqaabinayay,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in in ay baajiyeen mudaharaadkii la filayay, ayna dib kasoo sheegi doonaan xilliga mudaharaad kale la isugu imaanayo.

Wuxuu intaas ku daray in iyagu ay sugi doonaan amniga mudaharaadka.

“Madasha murashaxiintu waxay go’aansadeen in dib loo dhigo mudaharaadkii, lagana shaqeeyo xilli ay soo goynayaan murashaxiintu, amnigana iyagu ay sugayaan. Dadka abaabuleyaasha, taageerayaasha, shacabka Soomaaliyeed dhammaantood waxaan uga mahad celineynaa dadaalka iyo dhabar-adeyga ay qaadeen arrintaas.” Ayuu yidhi Shariif Sheekh Axmed.

Waa markii labaad oo uu si buuxda u baaqdo mudaharaad ay iclaamiyeen mucaaradka, halka marna uu qalalaase isu baddalay isusobax ay sameynayeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha madasha murashaxiinta.

Dhinaca kale, xukuumadda federaalka ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso go’aanka ay mucaaradku ku baajiyeen dibadbaxii ay qorsheynayeen.

Wasiirka Amniga ee dowladda Soomaaliya, Xasan Xundubeey Jimcaale, ayaa sheegay in dowladdu ay markii horeba dooneysay in uusan dibadbaxaasi dhicin.

“Dowladdu iyadoo tixgalineysa caafimaadka iyo in amnigu dhibaato badan ka imaan karto markii horeba ra’yegeedu wuxuu ahaa inaan mudaharaad loo baahneyn, oo xoogga iyo xoolaha aan mudaharaad galineyno loo baahan yahay inaan gelinno oxygen inaan kusoo gadanno. Walaalaheen maanta waxay ku dhawaaqeen in ay mudaharaadkii joojiyeen, aad iyo aad ayan usoo dhaweyneynaa,” ayuu yidhi Wasiirka.

Shirka Jaraa’id ayuu Wasiirka Amniga ku sheegay in markii hore la isku fahmi waayay dalab ay soo jeediyeen madaxda mucaaradka oo ahaa in iyagu ay la wareegaan amniga goobta mudaharaadka.

“Dowladdu way oggolaatay in ay murashaxiinta mudaharaad ku qabsadaan Daljirka Dahsoon. Arrintii Farsamada iyo qabashada dibadbaxa markii la gaaray waxay ku adkeysteen in ay dhahaan ‘goobta amaankeeda waa in aan annagu la wareegno’, taasina way ku adkaatay dowladda, sababtoo ah dowladdu ayadaa mas’uul ka ah wixii meeshaas ka dhaca,” ayuu yidhi.

Wasiir Xundubeey oo wax laga weydiiyay ciidamada la sheegay in ay isku gadaameen daljirka Dahsoon ayaa ku jawaabay: “Ciidamada aad sheegeyso, mar haddii uu goobta mudaharaad ka dhici doono barito in ay maanta amaanka sii sugaan way ku khasban yihiin, waana waajib saaran.”