Maxaad Ka Taqaannaa Daljirka Dahsoon Oo Ay Mucaaradku U Xusheen Mudaaharaadka.

0
919

Maalinta Sabtida ah ayaa lafilayay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya iyo taageerayaashooda ay mudaharaad ku sameeyaan fagaaraha Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, inkastoo ay galinkii dambe ee maanta ku dhawaaqeen in dib loo dhigay mudaharaadkaas.

19-kii bishii February ayuu qalalaase isku baddalay dibadbax ay musharraxiinta Mucaaradka ku dhawaaqeen in uu ka dhaco halkaas, iyadoo mudaharaad kale oo la qorsheeyay 26-kii isla bishaasna uu ku baaqday wadahadal dhex maray xukuumadda federaalka iyo madaxda mucaaradka.

Si rasmi ah looma oga sababta ay mucaaradka u xusheen Daljirka Dahsoon in mudaharaadyadooda ku qabtaan, laakiin waxaa hubaal ah in ay tahay goob istiraatiiji ah oo ku taalla Muqdisho.

Waxay ku taallaa degmada Boondheere, waxayna masaafe yar u jirtaa xarunta madaxtooyada.

Muxuu yahay Daljirka Dahsoon?

Taallada Daljirka Dahsoon waxay astaan u tahay qabuuraha askartii Soomaalida ee u dhintay difaacidda Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse aan la aqoonin. Waa calaamad muhiim ah oo caan ka ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxay ku taallaa agagaarka dhismihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya. 22 sano kaddib burburkii Soomaaliya ayaa dayactir lagu sameeyay taalladan oo hadda aad u qurux badan.

Waxaajira xasuuso u gaar ah qaar ka mid ah halyeeyadii qaranka Soomaaliya, sida Axmed Guray, Xaawo Taako, Xalane, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sheekh Xasan Barsane iyo Dr Xuseen Sheekh Kadare, kuwaasoo dhammaantood ay taallooyin ugu dhisan yihiin Muqdisho.

Taallooyinka kale ee ugu caansan Soomaaliya waxaa ka mid ah Dhagax Tuur iyo SYL.

Hase yeeshee, geesiyaasii soo maray ciidanka Soomaaliya ma aha kuwo faraha lagu tirin karo, waxaana ka mid ahaa xubnihii ururkii xornimo doonka ee SYL. Sidaas awgeed waxaa guud dhammaantood wakiil ka ah taallada Daljirka Dahsoon.

Goobtan waxay hoy u ahaan jirtay fantasyaha shacabka iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Maalmaha Jimacda waxaa ka muuqda bilic weyn oo waxaa lagu arkaa dad labisan oo u soo damaashaad taga halkaas, sawirrana ku gala.

Xilliyada qaar waxay dhaqdhaqaaqyadaas soo jiitaan indhaha dalxiiseyaasha, iyagoo fursad u hela in ay milicsadaan quruxda dhaqanka Soomaalida iyo labiskoodaba.

Laakiin mararka qaarna waxay Taallada Daljirka Dahsoon martigalisaa mudaharaadyo kala duwan oo ay sameeyaan dadweyne cabanaya.

Dibadbaxyadii ka dhacay sanadihii ugu dambeeyay ee sida weyn loo xasuusto waxaa ka mid ah mid ay haweenka ku sameeyeen sanadkii 2016-kii, markaas oo ay dalbanayeen in qoondada dumarka lagu tixgaliyo dowladdii loo dhismaheeda lagu howlanaa xilligaas.

Sidoo kale, waxaa lagu xasuustaa Daljirka Dahsoon in uu ka dhacay mudaharaadkii ay shacabka reer Muqdisho ku taageerayeen dacwadda Badda ee Soomaaliya, kaas ku yimid baaq ay jeediyeen maamulka gobolka Banaadir. Waxay dadka ka qeyb galay mudaharaadkaas – oo u badnaa haween – muujinayeen sida ay uga soo horjeedeen go’aanka ay Kenya ku sheegtay in ay biyahaas iyada leedahay.

Bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay, 2020-kii waxaa Daljirka Dahsoon ka dhacay dibadbax ballaaran oo ay shacabka uga soo horjeedeen falal dil ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Marka la gaaro 1-da bisha July, oo ku beegan xornimada Soomaaliya, waxaa ka dhaca munaasabado loogu dabaaldagayo xusuustaas, madaxda waddankana waxay dhigaan ubax lagu sharfayo halyeeyada ay astaanta u tahay taalladan.

Xitaa inta badan khudbadaha guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu shacabka ugu jeediyaa fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dadweynaha ku nool Muqdisho kula hadla halkaas, taas oo aad mooddo in ay tahay sababta siyaasiyiinta Soomaaliya ay u daneynayaan in ay taageerayaashooda isugu geeyaan Daljirka Dahsoon.

Soomaaliya gaar kuma aha Daljirka Dahsoon

Soomaaliya oo kaliya ma aha dalalka dhisay Taallada Daljirka Dahsoon, balse waxaa jira waddamo kale oo sidaasoo kale u maamuusay halyeeyadooda aan la garaneynin.

Magaalooyinka caalamka ee Taallada Daljirka Dahsoon ay ku taallo waxaa ka mid ah Moscow, oo ah caasimadda dalka Ruushka iyo magaalo madaxda waddanka Talyaaniga ee Rome.

Intaas kaliya ma ahane, dalal kale oo aad u badan ayey ku dhisan tahay taallada Daljirka Dahsoon, oo ujeedadeeduna ay la mid tahay tan Muqdisho ku taalla.

Dalalkaas waxaa ka mid ah: Argentina, Armenia, Australia, Austria, Bangladesh, Belgium, Bolivia, Brazil, Bulgaria, Canada Chile, Colombia, Czech Republic, Dominican Republic. Masar, Estonia, Finland, France, Gambia, Georgia, Jarmalka, Giriigga, Hungary, Hindiya, Indonesia, Iiraan, Ciraaq, Israa’iil, Japan, Urdun, Lubnaan, Lithuania, Malaysia.