Dawladda Dalka Ingiriiska oo iyaduna billawdey wiifto Tilmaameysa in aysan Aqbali doonin Doorasho aan leysku Raacsaneyn.

0
438

UK ayaa sheegtay in marnaba dhinacooda aqbali doonin doorasho aan wadar ogol ku dhicin dalka Soomaaliya, xili wali hoggaamiyayaasha Soomaalida uu dhax yaalo khilaaf baahsan oo la xiriira arrimaha doorashada.

War ka soo baxay Wasiirka UK ee Africa James Duddridge, ayaa lagu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin ficilada keeni kara doorasho is barbar socta ama dhinac kaliya ah ama xitaa muddo korarsi lagu sameeyo hay’addihii horey u sii jiray ee dowladda.

”Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyaasha Soomaaliya in ay ka gudbaan ismari waaga, ay galaan wada hadal wax ku ool ah oo ay qabtaan doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka qeyb ka mid ah.

Boqortooyada ayaa hoosta ka xariiqday baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay isu yimaadaan oo ay gaaraan heshiis guud oo ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo la raacayo qaabkii lagu heshiiyey 17-kii Sebtember iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo.

Hadalka UK ayaa imanaya xili magaalada Muqdisho  ku sugan yihiin madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad gobolleedyada oo u jooga in ay wadahadal ka yeeshaan qabashada doorasho leysku raacsan yahay, laakiin wali waxaa ay mashkalad ka taagan tahay sidii leysugu keeni lahaa dhinacyada isku khilaafsan hannaanka loo marayo doorashada, iyadoo dhowr jeer oo hore lagu fashilmay shirar arrimahan ku saabsan.

  1.